Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in ciidamada wadankaasi ay ku sii sugnaan doonaan gudaha dalka Afghanistan xita hadii la dhaafo muddada kama dambeyska ee 31-da bishan.
Biden ayaa carrabka ku adkeeyay in xukuumadda Washington ay keliya Afghanistan si buuxda uga wareegi doonto marka ay xaqiijiso in dhammaan muwaadiniinteeda ay kala baxday halkaasi.
Tani ayaa ku soo beegmaysa iyadoo shalay 5,000 oo qof laga daadgureeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kabul.
Sidoo kale kooxda hubeysan ee Taalibaan ayaa qaar ka mid ah shacabka doonaya inay wadankaasi ka tagaan u diiday inay gaaraan gagida diyaaradaha.
Xoghayaha gaashaandhigga ee Maraykanka Lloyd Austin ayaa dhankiisa qiray in aan weli la haleelin bartilmaameedsigii daadgureynta .