Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden iyo ra’iisul wasaaraha cusub ee boqortooyada Ingiriiska Rishi Sunak ayaa isku raacay inay ka wada shaqeeyaan sidii loo taageeri lahaa dowladda Ukraine.
Warbixin ka soo baxday Aqalka Cad ee wadanka Maraykanka loo arrimiyo ayaa arrinkan shaaca looga qaaday.
Waxaa ay wada hadleen markii ugu horreysay saacado ka dib markii Sunak uu noqday ra’iisul wasaariha cusub ee Britain.
Madaxda ayaa isku raacay muhiimadda ay leedhahay in si wadajir ah loo taageero Ukraine iyo in Ruushka lagula xisaabtamo dullaanka gardarrada ah ee uu ku qaaday dalka dariska la ah.
Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale dib u xaqiijiyay xiriirka gaarka ah ee u dhexeya Maraykanka iyo Britain, waxayna sheegeen inay ka wada shaqeyn doonaan horumarinta amniga iyo barwaaqada caalamka.