Benin: Ugu yaraan 35 qof oo ku dhintay dab ka kacay xarun shidaal

0
250

In ka badan 35 qof oo uu canug yar ka mid yahay ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dalka Benin ee Galbeedka Afrika.
Tani ayaa timid ka dib markii uu dab qabsaday xarun lagu keydiyo shidaalka.
Goobtaasi oo xigta dhanka xadka Benin iyo Nigeria ayaa maamullada maxalliga ee wadankaasi ku tilmaameen mid si sharci darro ah ku shaqeynaysay.
Dhibaatadan ayaa laga soo tabiyay magaalada Seme-Podji halkaasi oo ay baabuur iyo mootooyin badan shidaal ka qaadanayeen.
Khasaaraha nafeed ee ka dhashay dhacdadaasi waxaa bayaan ku xaqiijiyay dacwad oogaha Benin, Abdoubaki Adam-Bongle .
Waxaa uu intaasi ku daray inay jiraan dhowr qof oo kale oo dab ku dhaawacmay oo hadda isbitaallada lagu daaweynaya.