Beledweyne oo maanta lagu soo gabagabeenaya doorashada xildhibaannada golaha shacabka

0
373

Galinka dambe ee maanta ayaa lagu wadaa in lagu soo gabagabeeyo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya ee halkaasi ka socotay labadii bilood ee la soo dhaafay.
Ilaa 25 kursi ayaa taalay Beledweyne, waxana horay loo doortay 23 xildhibaan, iyadoo maantana la dooran doono xildhibaan kale.
Dhanka kale magaalada Muqdisho ee caasimadda wadanka Soomaaliya waxa maalintii saddexaad ka socota shahaado siinta iyo diiwangelinta xildhibaannada cusub ee ka mid noqonaya Baarlamaanka 11-aad ee dalkaasi.