Beesha caalamka ayaa ku boorisay dowladda Kenya inay fududeyso mudaaharaadyo nabadeed oo la qorsheeyay Arbacada, berri ah oo ay taarikhud ku beegan tahay 25-ka bishan June , si loo xuso dadkii ku dhintay mudaaharaadyadii ay sanadkii hore hogaaminayeen dhalinyarada Gen Z.
Warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen safiirrada iyo madaxda sare ee dalalka Australia, Canada, Denmark, Netherlands, Norway, Sweden, UK, United States, Ireland, Switzerland, iyo Finland ayaa waxay ku cambaareeyeen xadgudubyada, iyagoo ku nuux nuuxsaday in qof kasta oo Kenyaan ah uu xaq u leeyahay inuu helo kulan nabadeed.
Waxa ay sidoo kale dib u cusboonaysiiyeen codsigoodii ahaa in si degdeg ah, hufan, iyo baaritaan madax bannaan lagu sameeyo eedeymaha ka dhanka ah Booliska , iyaga oo ka digay in dibadbaxyaasha loo adeegsado ciidamo aan xirneen dareeyska Booliska iyo baabuurta aan lahayn taarikada.
Waxaa ayna tilmaameen in tani ay meesha ka saarayso kalsoonida shacabka.
Ergada beesha caalamka waxa kale oo ay walaac ka muujiyeen mudaaharaadyada in ay ku soo dhex dhuuntaan dad dambiilayaal ah.
Waxaa ay sido kale ku baaqeen beesha caalamka isla xisaabtan ka dhan ah hay’adaha dowladda.