Beesha Caalamka oo si wadajir u diiday muddo kordhinta Farmaajo

0
557

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Canada, Denmark, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka IGAD, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Spain, Sweden, Switzerland, Boqortooyada Ingiriiska, Mareykanka, iyo Qaramada Midoobay ayaa soo saaray qoraal ay uga jawaabayaa muddo kordhinta hay’adaha dowladda Soomaaliya.
War-saxaafadeedka ayay ku sheegeen “inay aad uga walaacsanyihiin meelmarinta 12-kii bishaan uu Golaha Shacabka meelmariyay qaraar lagu beddelayo heshiiskii 17kii Sateembar ee sanadkii, qaraarkaas oo xambaarsan geedi-socod doorasho oo ay ka dhalan doonto muddo kordhin dheeri ah oo ku timaadda muddo xileedkii loo igmaday Madaxweynaha iyo Baarlamaanka.”
“Waxaan si isdaba joog ah u sheegnay in aan la taageeri doonin geeddi-socod siyaasadeed oo is barbar socda, doorashooyin aan loo dhamayn, ama dadaallo cusub oo keenaya kordhinta muddo xileedkii hore,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Waxaa sidoo kale war-saxaafadeedka lagu sheegay in qaraarka 12-kii bishaan uu wiiqayo nabadda, amniga, iyo xasilloonida Soomaaliya iyo meelo ka baxsan.
“Qaraarkan ayaa sidoo kale sii daahin doona qabashada doorashooyin lagu kalsoonaan karo kuwaas oo ay sugayeen dadka Soomaaliyeed,” ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.
Beesha caalamka ayaa sheegtay in hirgelinta heshiiskii 17kii bishii Sagaalaad ee sanadkii hore uu yahay hanaanka ugu wanaagsan ee waxqabad ee la heli karo, sidaa darteedna ay ku boorrinayaan madaxda dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah inay si dhakhso leh ugu soo laabtaan wadahadallada si loogu heshiiyo habka howsha horey loogusii wedi lahaa.
Dalalka beesha caalamka ayaa sidoo kale sheegay inay diyaar u yihiin inay bixiyaan adeegyada dhexdhexaadinta si loo fududeeyo loona soo nooleeyo wadahadal loo dhan yahay oo ku saleysan heshiiskii 17kii Sateembar ee sanadkii hore.