Beesha caalamka oo ka hadashay dagaalkii ka dhacay magaalada Garoowe

0
263

Saaxiibbada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa soo saaray baaq degdeg ah oo ay ku dalbanayaan in la joojiyo xiisadda colaadeed ee ka taagan magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, taas oo u dhexeysa ciidamo kala taabacsan madaxweynaha Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.
War saxafadeedka ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa loogu baaqay dhinacyada dagaalamaya in wax walba ay ku dhameeyaan miiska wada hadalka.
“Saaxiibbada beesha caalamka waxay ka walaacsan yihiin dirirta ka socota Garoowe iyo saameynta ay ku leedahay dadka rayidka ah, Saaxiibbadu waxay ku baaqayaan in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda, laguna soo dabbaalo xasillooni, waxaan ugu baaqeyna dhammaan daneeyayaasha siyaasadda inay yeeshaan wada hadal, kaas oo ah tubta kaliya ee lagu xallin karo khilaafaadka” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay saaxiibbada Beesha Caalamka.
Beesha Caalamka ayaa sidoo kale sheegtay in qalalaasaha siyaasadeed ee haatan ka taagan Garoowe ay tahay mid halis galineysa natiijadii wanaagsaneyd ee laga gaaray doorashooyinkii golaha deegaanka ee dhawaan ka dhacday Puntland.
Si kastaba ha ahaatee dagaalka ka dhacay magaalada Garoowe ayaa illaa hadda inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay 26 qof oo 6 ka mid ah yihiin ciidamada dagaalamay iyo 10 ruux oo shacab ah, halka dhaawaca uu gaarayo ku dhawaad 30 qof.
Ugu dambeyntii wararka naga soo gaaraya Garoowe ayaa sheegaya in Isimada, waxgaradka iyo Xildhibaano heer federaal ah ay ku guuleysteen in xabad joojin ay dhax dhigaan labada ciidan ee dirirtu u dhexeyso, kuwaas oo ka aqbalay in xabadda la joojiyo.