Baydhabo: Ciidamada ammaanka oo gacanta ku dhigay nin bam ku weerarray masaajid

0
329

Ciidamada ammaanka ee magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa gacanta ku soo dhigay nin la sheegay inuu Bam gacmeed ku weerarray Masaajid ku yaalla xaafad ka tirsan magaaladaasi.
Ninkan ayaa la sheegay in lagu soo qabtay howlgal ay iska kaashadeen qaybaha kala duwan ee ciidamada oo ay ka sameeyeen gudaha magaaladaasi.
Sarkaal ka tirsan ciidanka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ninkaan las oo qabtay lagu xiray Saldhiga magaalada Baydhabo, islamarkaana soo qabashadiisa ay fududeyeen dad shacab ah.
Ammaanka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid soo hagaagayay, ka dib markii ciidamadu ay kordhiyeen howlgallada ay ku xaqiijinayaan amniga magaaladaasi.