Barnaamijka caafimaad ee Beyond Zero oo helay in ka badan hal milyan oo deeq lacageed ah

0
419

Barnaamijka ay hormuudka ka tahay marwada koowaad ee dalka Margaret Kenyatta ee looga shaqeeyo arrimaha caafimaadka ee Beyond Zero ayaa dowladda dalka Slovakia ka helay deeq lacageed oo dhan 1.3 milyan .
Dhaqaalahan ayaa loo adeegsan doonaa in lagu kabo dadaallada dowladda ee ka dhanka ah isku furanka.
Margaret Kenyatta ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay wax ka qabashada xaaladdan caafimaad oo caqabad qarsoon ku ah haween badan.