Guddoomiyaasha ismaamullada dalka ayaa mar kale wacad ku maray inay gebi ahaanba joojin doonaan howlaha dowlad deegaannada wadanka.
Barasaabka ismaamulka Kakamega ahna guddoomiyaha guddiga qaabilsan arrimaha maaliyadda , qorsheynta iyo dhaqaalaha ee golaha barasaabyada (COG) Fernandes Barasa ayaa sheegay in wasaaradda qaran ee maaliyadda aynan weli soo saarin 94.4 bilyan oo shilin.
Lacagahan ayaa la doonayay in dowladda dhexe ay ismaamullada ku wareejiso laga soo billaabo bishii Saddexaad ee sanadkan.
Waxaa uu Barasa xusay in barasaabyada ismaamullada ay kulan yeelan doonaan toddobaadka dambe si ay u qiimeeyaan suurtagalnimada lagu xannibi karo dhaqdhaqaaqyada dowlad deegaannada.