Waxaa la filayaa in barasaabyada ismaamullada dalka ay maanta yeeshaan kulan degdeg ah.
Shirkan ayaa looga arrinsanaya shaqo joojinta qaran ee ay maalinkii 14-aad ku guda jiraan xubnaha ururka dhakhaatiirta wadanka ee KMPDU.
Golaha ay ku mideysan yihiin guddoomiyaasha dowlad deegaannada ee (CoG) ayaa kulanka maanta qabsoomaya ku tilmaamay mid aan caadi ahayn.
Sidoo kale waxaa lagu wadaa in barasaabyada ay ka hadlaan qaabka loo dhaqan gelin karo amar toddobaadkii hore ka soo baxay maxkamadda shaqada iyo shaqaalaha.
Dhakhaatiirta shaqo joojinta ku guda jiro ayaa dalbanaya in wasaaradda caafimaadka ay dhaqangeliso heshiis ay wada gaareen sanadkii 2017-kii oo la xiriiray dallacsiin iyo in la howlgeliyo ilaa 3,000 oo ah arday soo bartay culuunta caafimaadka kuwaasoo qaatay tijaabo shaqo.




