Barasaabyada oo dowladda dhexe u qabtay 14 cishe

0
372

Golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada dalka ee COG ayaa dowladda dhexe u qabtay muddo 14 cishe ah ka hor inta aynan joojin howlaha dowlad deegaannada.
Guddoomiyaha COG Anne Waiguru ayaa sheegtay inay dalbanayaan in wasaaradda maaliyadda ay ismaamullada ku wareejiso miisaaniyaddii ay qaadan lahaayeen bilooyinkii Labaad, Saddexaad iyo bishan Afaraad.
Wasaaradda maaliyadda ayaan soo saarin 94.35 bilyan oo shilin.
Ismaamullada ayaa bishii labaad qaadan lahaa welina aan la siin 31.45 bilyan, bishii Saddexaad 29.6 bilyan iyo bishan oo ah 33.3 bilyan oo shilin.