Barasaabyada oo doonaya in dib loo eego xeerarka dowlad wadaajinta

0
178

Guddoomiyaasha dowlad deegaannada ayaa soo jeediyay in dib u eegis lagu sameeyo ilaa sagaal xeer oo ay ku tilmaameen kuwo carqaladeynaya nidaamka dowlad wadaajinta.
Maamulka la daadajiyay ayaa dalka ka dhaqan galay sanadkii 2013-kii.
Guddoomiyaha golaha barasaabyada wadanka ee COG ,Anne Waiguru ayaa sheegtay in xeerarkan aynan waafaqsanayn dastuurka dalka sidaasi awgeedna ay caqabad ku yihiin in ismaamullada ay shacabka u fidiyaan adeegyo wax ku ool ah.
Waxay tusaale u soo qaadatay xeerka ururrada iskaashatooyinka ee Co-operative Societies Act,midka caymiska qaran ee caafimaadka ee (NHIF) Act, (KEMSA) Act,midka maamulka qaran ee dhismaha ee National Construction Authority Act, xeerka beeraha iyo cuntooyinka ee Agriculture And Food Authority Act,shuruucda lagu maamulo ganacsiga caleenta shaaha iyo qaxwada, kuwa tamarta, biyaha,maareynta iyo iskudubaridka arrimaha deegaanka ee (EMCA) Act.
Barasaabyada ayaa sidoo kale soo jeediyay in dib u habeyn lagu sameeyo waaxyaha horumarinta gobollada iyo hay’adaha kale ee madaxa bannaan ee qabto shaqooyinka ismaamullada.