Guddoomiyaasha ismaamullada Garissa iyo Turkana ee kala ah Nadiif Jaamac iyo Jeremiah Ekamais ayaa kulan la yeeshay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR.
Waxaa sidoo kale kulanka qayb ka ahaa mas’uuliyiinta waaxda dowladda dhexe ee arrimaha dhulalka, howlaha guud , guriyeynta iyo horumarinta magaalooyinka, saraakiisha bangiga adduunka iyo kuwa hay’adda arrimaha hooyga ee qaramada midoobay.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray sida dadka qaxootiga ee ku nool xerooyinka Dadaab , Kakuma iyo Kalobeyei loogu sameyn karo isdhexgal ay la yeelanayaan kenyaanka.
Shirka oo la xiriiray wajiga labaad ee barnaamijka taageeridda magaalooyinka dalka ee (KUSP) ayaa garab siin doono labada dowlad deegaan ee Garissa iyo Turkana ee marti geliyay qaxootiga.
Dowlad deegaannadan ayaa la siinaya ilaa 50 milyan oo doolar.
Wajiga labaad ee mashruucan ayaa billaaban doono 1-da bisha Toddobaad ee sanadkan.
Lacagta ayaa loo adeegsan doonaa in lagu wanaajiyo kaabayaasha adeegyada muhiimka ee loo fidiyo qaxootiga iyo dadka deegaanka ee Turkana iyo Garissa.
Kenya Urban Support Program (KUSP) II will support the two refugee hosting Counties namely, through financing from the IDA 20 Window for Host Communities and Refugees (WHR) amounting to US$ 50million. pic.twitter.com/9QpNe3t70o
— Council of Governors (@KenyaGovernors) February 27, 2023




