Guddoomiyaasha ismaamullada dalka ayaa dowladda dhexe ku dhaliilay inay meesha ka saartay xayiraad jirtay tan iyo sanadkii 2012-kii oo ahayd in aan dibadda laga soo dejin karin dalagga lagu soo saaro qaabka casriga ee loo yaqaano GMO.
Golaha hoggaamiyaasha dowlad deegaannada dalka ee (CoG) ayaa sheegay in dowladda ay arrintan ku degdegtay.
Barasaabyada ayaa hoosta ka xarriiqay in go’aankan aan laga qayb gelin daneeyayaasha kala duwan iyo dadweynaha si ay afkaartooda uga dhiibtaan.
Dhawaan ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda ganacsiga , maalgashiga iyo warshada dalka Moses Kuria uu shaaciyay in wadanka la soo gelin doono ilaa 10 milyan oo kiish oo galley ah.
Hasa ahaate guddoomiyaha guddiga arrimaha beeraha ee golaha CoG ahna barasaabka ismaamulka Bungoma ,Ken Lusaka ayaa sheegay in qorshaha dowladda aynan dani ugu jirin beeraleyda maxalliga ah.
Waxaa uu sheegay in haddii galley wadanka la keeno ay beeralayda danta ku qasbi doonto inay dalagga uga soo go’ay beeraha ku iibiyaan qiimo hooseeya marka loo barbardhigo qarashaadka uga baxay wax soo saarkooda.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka ay wacad ku mareen in haddii dowladda dhexe aynan qorshahan ka laaban ay uruurin doonaan saxiixyo dadweyne oo xilka looga qaadaya wasiirka ganacsiga Moses Kuria.