Barasaabyada dalka oo doonaya inay maamulaan musharaadka shaqaalaha UHC

0
394

Golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada dalka ee COG ayaa doonaya in dowladda dhexe ay maamulka musharaadka shaqaalaha barnaamijka caafimaadka guud ee loo yaqaano (UHC) ay ku warejiso dowlad deegaannada.
Sidoo kale waxay dalbanayaan in kheyraad dheeraad ah loo qoondeeyo ismaamullada.
Guddoomiyaha golaha COG ahna barasaabka Kirinyaga Anne Waiguru ayaa sheegtay in tani ay u fududeyn karto inay bisha Shanaad ee sanadka soo socdo cusbooneysiiyaan qandaraaska shaqo ee howlwadeennadan.
Waiguru ayaa shir jaraaid oo ay qabatay ka sheegtay in marka xilligaasi la gaaro ay saameyn ku imaan karto bixinta adeegyada caafimaad ee ismaamullada maadaama qandaraaskii lagu shaqaaleysiiyay in ka badan 9000 oo sarkaal oo ka shaqeeya caafimaadka guud ee UHC uu ku egyahay bisha May ee sanadka 2023.
Waxay hoosta ka xarriiqday in barasaabyada ay wasaaradda caafimaadka ee dalka kala hadli doonaan in lagu heshiiyo qaabka loo dhaqan gelinaya nidaamkan .
Shaqaalaha barnaamijka caafimaadka guud ee loo yaqaano UHC ayaa waxaa muddo saddex sano ah howlgelisay dowladda dhexe iyagoo la geeyay ismaamullada kala duwan.
Golaha COG ayaa sheegay in wasaaradda caafimaadka ay qaaday tallaabooyin aasaasi ah sida in ismaamullada laga dhisay 50 ah isbitaallada heerarka labaad iyo saddexaad .
Anne Waiguru ayaa intaasi ku dartay in sidoo kale ay wasaaraddu sare u qaaday xarumaha caafimaad ee hooyooyinka iyo dhallaanka ee 12 ismaamul.
Hasa ahaate waxaa jiro arrimo weli qabya ah oo la xiriira kaabayaasha iyo barnaamijyada qalabka.
Sidoo kale golaha hoggaamiyaasha ismaamullada ee COG ayaa shaaciyay inuu wasaaradda caafimaadka ee dowladda dhexe kala shaqeyn doono ku tallaaba qaadka soo jeedin ah in lacago la siiyo dadka si iskood ah uga shaqeeya arrimaha caafimaadka ee loo yaqaano CHVs, qarashaadkan oo bixintiisa ay si siman u qaybsan doonaan ismaamullada iyo dowladda sare ee dalka.