Guddoomiyihii hore ee ismaamulka Murang’a Mwangi wa Iria ayaa ka mid ah 8 qof oo wajahaya dacwad musuqmaasuq.
Waxaa loo haystaa in intii u dhexeysay sanadkii 2015-kii ilaa 2016-kii ay lunsadeen 140 milyan oo shilin.
Waaxda dacwad oogidda dalka ayaa sheegtay in ay ku qanacday gal-dacwadeedka uu soo gudbiyay guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC oo baaritaano sameeyay.
Wa Iria iyo shakhsiyaadka kale ayaa ku eedeysan in ay baal mareen xeerarka u degsan bixinta qandaraasyada .
Waxay si sharci darro ah qandaraasyada u siiyeen shirkadaha kala ah Top Image Media Consultancy Limited iyo Value View Limited.
Eedeysanayaasha kale ayaa kala ah Patrick Kagumu Mukuria, Jane Wanjiru Mbuthia, David Maina Kiama, David Mamma Njeri, Jane Waigwe Kimani, Solomon Mutura Kimani iyo Peter Muturi Karanja.
Dadkan ayaa isugu jiro agaasimayaasha shirkadahan iyo shaqaale xilligaasi ka tirsanaa dowladda hoose ee ismaamulka Murang’a.