Barasaabkii hore ee Makueni oo ka mid ah shakhsiyaad doonaya inay hoggaamiyaan EACC

0
369

Guddiga adeegga dadweynaha ee PSC ayaa soo saaray liiska shakhsiyaadka daneynaya inay buuxiyaan jagada guddoomiyaha guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC waxaana ka mid ah guddoomiyihii hore ee ismaamulka Makueni Prof. Kivutha Kibwana.
Waxaa xilkan soo codsaday 89 qof balse ugu dambeyn waxaa tartanka isugu soo haray oo la turxaan bixin doonaa 14 ka mid ah.
PSC ayaa sheegtay in dadkan laga billaabo 27-ka bishan ilaa 28-ka Febraayo su’aallo la waydiin doono.
Shakhsiyaadka kale ee la turxaan bixin doono waxaa ka mid ah
Benjamin Adam Mure Mweri
Cabdixafiid Cabdullahi Yarow
Amani Yuda Komora
Kaberia Isaac Kubai
Eliud Wanjao Ngige
Kivutha Kibwana
Thomas Letangule
David Adang Oginde
Susan Nekesa Ngera
Josiah B Onyancha
Norah Chepkemoi Mutai
Kenneth Sakwa Buliba
Junta Wawira Mwangi
Iyo Charles Kanjama