Barasaabkii hore ee Kakamega oo wajahaya dacwad musuqmaasuq

0
251

Guddoomiyihii hore ee ismaamulka Kakamega, Wycliffe Oparanya ayaa loo haystaa fadeexad musuqmaasuq oo lagu lunsaday 56 milyan oo shilin.
Arrinkan ayaa shaaca looga qaaday warbixin uu Jimcihii soo saaray guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC.
Wycliffe Oparanya ayaa ku eedeysan inuu si sharci darro ah lacago uga qaatay ilaa 6 shirkadood oo la siiyay qandaraasyo gaaraya 60.
Qiimaha lacageed ee qandaraasyadan ayaa ah 2.2 bilyan oo shilin.
Shirkadahan waxaa ka mid ah midda dhismaha ee AFBA Construction Company Limited, Western Cross Express limited, Sabema International Limited iyo Sesela Resources Limited.
Warbixinta guddiga EACC waxaa sidoo kale ku cad in Oparanya dhul uu lahaa uu ka kireeyay dowladda hoose ee ismaamulka Kakamega ee uu hoggaaminayay taasi oo lagu siiyay lacag dhan in ka badan 56.7 milyan oo shilin.
EACC ayaa tallaabadan ku tilmaantay mid khalad ah oo uu siyaasigan si shakhsi ah uga faa’iiday.
12-kii bishii Tobnaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii xafiiska waaxda dacwad oogidda wadanka ee ODPP uu guddiga EACC kula taliyey inuu dacwad ku soo oogo Oparanya, xaaskiisa, saraakiil ka tirsanaa dowladda hoose ee ismaamulka Kakamega iyo agaasimayaasha qaar ka mid ah shirkadaha qandaraasyada la siiyey.
Eedeymaha ay shakhsiyaadkan wajahayaan waxaa ka mid ah in ay iska kaashadeen fal musuqmaasuq , khiyaano maaliyadeed iyo ku tagriifal awoodeed.
18-kii bishii Diseembar ee sanadkii hore ayay ahayd markii waaxda dacwad oogidda ay ku qanacday talooyin uga yimid EACC oo baaritaano ay sameysay ka dib go’aansatay in eedeysanayaasha maxkamad la soo taago.
Hasa ahaate,wararka ayaa intaasi ku daraya in guddoomiyihii hore ee ismaamulka Kakamega , Wycliffe Oparanya uu helay amar lagu hor istaagaya in xabsiga loo taxaabo ilaa iyo inta ay maxkamadda go’aan ka soo saareysa codsi uu u gudbiyay.
Dhanka kale , xildhibaanka deegaan baarlamaneedka Waqooyiga Embakasi ee ismaamulka Nairobi James Mwangi Gakuya ayaa isagana loo haystaa inuu qandaraasyo siiyay carruurtiisa iyo saaxiibadiisa si ay fasallo u dhisaan, mashaariic dhanka waddooyinka ah iyo xaflado la qabtay.
Waxaa qandaraasyadan ku baxday 51.3 milyan oo shilin sida laga soo xigtay guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC.
Baaritaannada waxaa ku cad in Gakuya uu si sharci darro ah ku helay ugu yaraan 10.4 milyan oo shilin.
EACC ayaa doonaysa in loo maxkamadeeyo inuu si shakhsi ah uga faa’iiday bixinta qandaraasyada iyo ku tagriifal awoodeed.
Dhanka ismaamulka Taita Taveta ee gobolka Xeebta , EACC waxay warbixinteeda ku sheegtay in guddoomiyaha golaha hoose ee dowlad deegaankaasi , 21 wakiillo ah iyo afar sarkaal oo kale ay bishii 11-aad ee sanadkii 2022-kii ay safar ku tageen Zanzibar iyagoo maqaaxida Marijani Hotel ee halkaasi ku taalla ay uga baxday 7 milyan oo shilin.
Waxaa la doonaya in lagula xisaabtamo inay sidatan sameeyeen iyagoo aan adeegsan habraaca u degsan maareeynta lacagaha dadweynaha.