Barasaabkii hore ee Kakamega oo la soo siidaayay

0
204

Waxaa xurriyadiisa dib u helay guddoomiyihii hore ee ismaamulka Kakamega ,Wycliffe Oparanya oo la xiray.
Shalay ayay ahayd markii saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ay Oparanya ka qabteen Kakamega isagoo ka yimid Kisumu oo ku wajahan Bungoma .
Siyaasigan ayaa muddo labo saacadood ah su’aallo lagu waydiinayay xarunta dhexe ee booliiska ee Kakamega ka hor inta aan la fasaxin.
Waxaa uu warbaahinta u sheegay in saraakiisha ay ku qasbeen inuu qoro farriin la xiriirta inuu sababay qas iyo burburin hantiyadeed oo ka dhacay ismaamulka Busia balse uu taasi ka diiday .
Sidoo kale waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ciidamada dambi baarista aynan markii hore u faahfaahin sababta loo qabtay.
Qareenka Oparanya, ayaa dhankiisa DCI-da u qabtay muddo 24 saacadood ah oo ay dib ugu soo wareejinayaan baabur ay siteen.
Garyaqaanka ayaa xusay in haddii saraakiisha aynan arrinkan u hoggaansamin , inuu gudbinaya dacwad ku saabsan in barasaabkii hore ee Kakamega la cabsi geliyay , la dhibaateeyay sidoo kalena lagu xadgudbay xuquuqdiisa dastuuriga ah.