Barasaabkii hore ee Kakamega iyo xaasaskiisa oo la xiray

0
289

Barasaabkii hore ee ismaamulka Kakamega Wycliffe Oparanya iyo labadiisa xaas ayaa xabsiga loo taxaabay.
Ciidamada dambi baarista ee qaybteeda qaabilsan guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa maanta mas’uulkan hore iyo labadiisa xaas xiray.
Guddoomiyihii hore ee dowlad deegaanka Kakamega iyo labdiisa marwo ayaa lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo dambiyo dhaqaale oo ay galeen muddadii barasaabka ismaamulkaasi uu ahaa.
Saddexda qof ayaa maanta la horgeeyay xarunta guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ee magaalada Nairobi.