Barasaabka ismaamulka Wajeer Axmad Cabdullahi ayaa walaac ka muujiyay dadaallo uu sheegay in laga shakisan yahay oo lagu shaqaaleysiinaya dhallinyarada iyadoo si gaar ah loo bartilmaameedsanaya kuwa ka soo jeedo Waqooyiga dalka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dhallinyarada laga dhaadhicinaya in laga shaqaaleysiin doono Syria, Israa’iil iyo Ruushka balse dhab ahaan lagu duufsanaya ku biiridda kooxaha ISIS iyo Al-Shabaab.
Barasaabka ayaa da’yarta ku boorriyay inay aad uga feejignaadaan arrintan.
Waxaa uu digniin adag u diray cid kasta oo arrimahan ku lug leh isagoo sheegay in dowladda Kenya ay ka war qabto oo laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciyeed.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu daahfurayay Barnaamijka shaqo abuurka loogu sameeyo dhallinyarada magaalada nadiifiya ee Kazi Mtaani.
Barasaabka Wajeer ayaa sheegay in 500 oo dhallinyaro ah ay barnaamijkan ka shaqeyn doonaan.
Sidoo kale qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Facebook-ga ayuu Axmad Cabdullahi ku xusay inay qaban qaabin doonaan tartamada kubadda cagta si loo xoojiyo isdhexgalka bulshada, looga hor tago xagjireynta loona mideeyo dhallinyarada.
Guddoomiyaha Wajeer ayaa waalidiinta ku boorriyay inay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa carruurtooda si aan loo xagjireyn loona xaqiijiyo badqabkooda.
Si dowladda hoose ee ismaamulka Wajeer ay ula dagaallanto waxyaabaha bulshada dhibaya waxaa la howlgeliyay guddi uu hoggaaminaya Maxamad Sheekh oo ku magacdheer Xambaarsade oo si dhow ula shaqeyn doono laamaha ammaanka.
Waxay iska kaashan doonaan dadaallada lagu cirib tiraya ka ganacsiga maandooriyaha sida khamriga iyo xashiishka si Wajeer looga dhigo mid nabdoon.