Guddoomiyaha ismaamulka Turkana Jeremiah Lomorukai ayaa si kulul u cambaareeyay weerar ay koox looga shakiyay burcadnimo ku dishay arday jaamacad dhiganayay.
Waxaa uu barasaabka tacsi u diray qoyska uu ardayga ka baxay isagoo dilkiisa ku tilmaamay mid nasiib darro ah.
Mr. Jeremiah ayaa weerarka ku sifeeyay iskuday la doonaya in lagu carqaladeeyo wadajirka nabadda ah ee bulshooyinka dariska ee ismaamullada Turkana iyo West Pokot.
Waxaa uu wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Mr.Kipchumba Murkomen ugu baaqay inuu ka dhabeeyo ballanqaadkiisi ahaa in halkaasi la geyn doono ciidamada booliiska kaydka oo dheeraad ah.
Waxaa uu xusay in tani ay wax wayn ka beddeli karto xaaladda amni darro ee ismaamulkaasi.