Guddoomiyaha ismaamulka Siaya ,James Orengo ayaa wacad ku maray inuu si buuxda u dhaqan gelin doono warbixin loo gudbiyay oo ku saabsan howlaha maaliyadeed ee dowlad deegaankaasi.
Orengo ayaa waxaa maanta warbixinta ku wareejiyay guddi uu horay u magacaabay oo baaritaano sameeyay.
Guddigan ayaa waxaa hoggaaminaya hanti dhowrihii hore ee qaranka Edward Ouko.
James Orengo ayaa carrabka ku adkeeyay in aysan jirin cid musuqmaasuq sameysay oo aan lala xisaabtami doonin.
Waxaa uu intaasi ku daray in maanta lala wadaagay warbixin horudhac ah balse iyadoo dhameystiran uu guddoomi doono 20-ka bisha koowaad ee sanadka 2023.
Bishii Sagalaad ee sanadkan ayay ahayd markii uu barasaabka Siaya guddi u saaray inuu baaro wax isdaba marin la sheegay inay saameysay dowlad deegaankaasi.
Waxaa uu saraakiisha ka shaqeeya waaxda maaliyadda ee ismaamulka ku eedeyay lunsashada kheyraadka dadweynaha.
Orengo ayaa xilligaasi joojiyay in la bixiyo lacago deymo ah ilaa inta laga sameynaya xaqiijin dheeraad ah.
Sidoo kale waxaa uu waaxda maaliyadda ee Siaya ku amray in iyadoo aan amar toos ah isaga ka haysan aynan wax lacag ah bixin karin.