Guddoomiyaha ismaamulka Siaya James Orengo ayaa guddiga qoondeynta dakhliga ee (CRA) ku eedeyay inuu caqabad ku noqday dadaallada lagu shaqaaleysiinaya saraakiil caafimaad oo ka howlgalaya dowlad deegaannada dalka.
Waxaa uu Orengo hoosta ka xarriiqay in guddigan uu mar kasta ka soo horjeedo howlgelinta dhakhaatiirta , kalkaaliyeyaasha iyo saraakiisha kale ee caafimaadka iyadoo loo aaneynaya in tani ay kordhinaysa qarashaadka mushaaraadka.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu tagay isbitaalka guud ee ismaamulka Siaya halkaasi oo uu ka daahfuray olole dadka looga baaraya cudurka kansarka kaasoo soconaya toddobaad.