Guddoomiyaha ismaamulka Nakuru ee bolka Rift Valley Lee Kinyanjui ayaa ku baaqay in guddoomiye ku xigeenka xisbiga talada wadanka haya ee Jubilee David Murathe iyo xoghayaha guud Raphael Tuju laga saaro xisbiga.
Waxaa uu xusay in xisbiga Jubilee u baahan yahay dib u habeyn guud ka hor doorashada 2022-ka
Waxaa uu intaa ku daray xubnaha xisbiga ay kalsoonidii kala noqdeen David Murathe iyo Raphael Tuju.