Barasaabka Nairobi oo socdaal lama filaan ah sameeyay

0
291

Barasaabka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja iyo ku xigeenkiisa Njoroge Muchiri ayaa shalay socdaal lama filaan ah ku tagay isbitaalka Mama Lucy Kibaki ee magaalada Nairobi.
Sakaja ayaa warbaahinta u sheegay inuu halkaasi ku soo arkay dhibaatooyin caafimaad oo ay ka mid tahay hooyooyin sariiro wadaagaya iyo mid umushay oo lagu amray inay miis ku fariisato maadaama aan loo hayn sariir.
Barasaabka ayaa lagu wargeliyay inuu jiro gaabad dhanka daawooyinka ah oo uu isbitaalka Mama Lucy Kibaki wajahaya.
Waxaa uu si qiiro leh u raali geliyay shacabka Nairobi isagoo ballanqaaday inuu xallin doono caqabadaha caafimaad ee jira.
Sakaja ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in la ballaariyo xaruntaasi caafimaad sidoo kalena la xaqiijiyo inay si buuxda u shaqeynayaan dhammaan isbitaallada dowladda ee ku yaalla magaala madaxda wadanka.
Barasaabka ayaa amray in bukaan kasta oo ay tahay inuu isbitaalka ka baxo balse loo xayiray qarashaad caafimaad inuu gurigiisa aado maadaama uu bixinaya lacagaha dadkan lagu leeyahay.
Waxaa uu sheegay in maalmaha nagu soo aaddan uu isbitaalka gaarsiin doono daawooyin iyo sariiraha bukaanka oo ku filan balse uunna waqti xaadirkan tallaabo ka qaadayn howlwadeennada xaruntan.
Isbitaalkan ayaa waxaa maalin kasta uu u adeegaa qiyaastii 1,200 oo qof waxaana ka howlgalo shaqaale dhan 450.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in maalin kasta isbitaalka Mama Lucy Kibaki ay ku umulaan ilaa 40 dumar ah.