Barasaabka Nairobi oo sheegay in la xakameeyay dab xalay saameeyay Kibera

0
476

Guddoomiyaha ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja oo qoraal soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ayaa sheegay in xalay la xakameeyay dab laga soo tabiyey xaafadad isku raranta ah ee Kibera.
Waxaa uu xusay in saddex baabuur oo kuwa dab damiska ah inay goobta gaareen oo ayna saraakiisha ku guulaysteen inay xakameeyaan dabka si uunan u sii fidin.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in xalay xaafadda Kibera dab lagu qabadsiiyey masjid iyo kaniisad ka dib dibadbaxyadii shalay halkaasi ka dhacay.
Falkan ayaa lala xiriiriyey labo koox oo iska soo horjeedad oo halkaasi ku dagaallamay.