Barasaabka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa sheegay in wixii ka horreeyay bishii Afaraad ee sanadkan ay uruuriyeen dakhli gaaraya 1.2 bilyan oo shilin.
Sanadkii hore, muddadan oo kale waxay dowladda hoose ee ismaamulka Nairobi ay heshay 925 milyan oo shilin.
Johnson Sakaja ayaa kororka dhaqaale ee la diiwaangeliyay u aaneeyay tallaabooyin ay soo saareen oo la dhaqangeliyay.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in lacagtan loo adeegsado horumarinta magaala madaxda wadanka .
Sakaja ayaa sheegay in bilooyinka soo socdo ay diiradda saari doonaan sidii loo heli lahaa dakhli dheeraad ah si loo wanaajiyo bixinta adeegyada bulshada.