Barasaabka Nairobi oo maanta khudbad u jeedin doono golaha ismaamulka

0
291

Waxaa uu qorshuhu yahay in abaare 2:30 galabnimo ee maanta uu barasaabka ismaamulka Nairobi, Johnson Sakaja khudbadiisa sanadlaha ah u jeediyo xubnaha golaha hoose ee caasimadda dalka.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday guddoomiyaha golaha hoose ee dowlad deegaanka Nairobi ,Kennedy Ng’ondi.
Sakaja ayaa la filayaa inuu wakiillada faahfaahin ka siiyo waxyaabaha u qabsoomay maamulkiisa iyo qorshihiisa horumarineed.
Farqada labaad ee qaybta 30-aad ee xeerarka dowladaha ismaamullada ee la soo saaray sanadkii 2012-kii ayaa waxaa ku cad in barasaabka laga doonaya inuu sanadkiiba mar khudbad u jeediyo golaha hoose ee ismaamulka uu hoggaamiyo.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo qaar ka mid ah madaxda ismaamulka Nairobi sida senatarka ,Edwin Sifuna ay Sakaja ku dhaliilayaan in si aan habboonayn uu u maareynaya arrimaha magaala madaxda wadanka.