Guddoomiyaha ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii dhawaan ku timid wakiilkii deegaanka hoose ee Waqooyiga Kariobangi ee caasimadda dalka Joel Munuve.
Waxaa uu sheegay in ay laamaha ammaanka ka dalbanayaan in ay baaritaan qoto dheer ku sameeyaan geeridii Munuve.
Tani ayaa timid ka dib markii qaar ka mid ah hoggaamiyaasha ay eedeyn u jeediyeen Sakaja .
Waxay sheegeen in wakiilka uu geeriyooday maalmo un ka dib markii uu billaabay uruurinta saxiixyo la doonaya in xilka looga qaado barasaabka Nairobi.
Hasa ahaate , Sakaja ayaa xilli uu xalay u warramayay telefishinka maxalliga ee Citizen sheegay in aan loo baahnayn in arrintan la siyaasadeeyo.
Waxaa uu ku taliyey in la sugo natiijada baaritaanka qalliinka ah ee maanta lagu sameyn doono meydka wakiilka.
Sakaja ayaa xusay in isaga iyo Joel Munuve ay dhowr mar muujiyeen kala duwanaansho dhanka aragtida ah balse ay sidoo kale jireen marar badan oo ay kulamo yeesheen kana heshiiyeen arrimo ay isku khilaafsanayeen.
Waxaa uu ku tilmaamay mas’uul lahaa go’aan adag.