Barasaabka Nairobi oo iska fogeeyay eedeyn loo jeediyay

0
135

Guddoomiyaha ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa sheegay in maalmihii ugu dambeeyay uu arkayay warbixinno lagu faafinaya baraha bulshada oo lagu sheegay inuu adeegsaday qaswadayaal dhibaatooyin gaystay Talaadadii.
Waxaa uu sheegay in eedeymaha loo jeediyay ay yihiin kuwo been abuur ah oo aan niyad sami ku saleysnayn.
Sakaja ayaa xusay in wararkaasi ay yihiin kuwo ay ka dambeeyaan shakhsiyaadka ay siyaasad ahaan is hayaan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in uunan maalgelin dad rabshad sameynaya intii uu siyaasadda ku jiray weligiina uunan sidaasi sameyn doonin.
Barasaabka caasimadda dalka ayaa ku celceliyay in siyaasaddiisu ay tahay mid ku qotonta tixgelinta sharafta aadanaha iyo u hoggaansanka nidaamka maamulka ee kala dambeynta.
Waxaa uu shacabka Nairobi ku boorriyay in aan la khiyaamin oo ay ka feejignaadaan sida uu hadalka u dhigay siyaasiyiinta doonaya in ay qaab rabshadeysan guulo ku soo hooyaan.