Guddoomiyaha ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa daahfuray qalab caafimaad oo qiimo ahaan dhan 58 milyan oo shilin.
Waxaa agabkan loo qaybin doonaa xarumaha caafimaadka ee ku yaalla caasimadda dalka.
Barasaabka ayaa dhanka kale sheegay in dhawaan la howlgelin doono saraakiil caafimaad oo la shaqeynayay maamulkii hore ee NMS oo uu qandaraas ka dhamaaday.
Sidoo kale waxaa uu ka hadlay diyaar garowga ku aaddan la tacaalidda saameynta daadadka isagoo sheegay in deegaannada kala duwan lagu qaban doono wacyigelin dadweyne.