Guddoomiyaha ismaamulka Murang’a , Mwangi Wa Iria ayaa ka tanaasulay hamigiisa ahaa inuu u tartamo xilka madaxtinnimo waxaa uuna taageero u muujiyay musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya , Raila Odinga.
Siyaasigan ayaa ballanqaaday inuu shacabka ismaamulkaasi ku qancin doono inay u codeyaan Raila.
Waxaa uu sheegay inay ku xiran yihiin 600,021 oo codbixiyeyaal ah oo ay aad isugu dhow yihiin sidaas awgeedna shakhsiyaadkan ay garab u yihiin Raila Odinga.
19-kii bishan ayay ahayd markii Mwangi Wa Iria oo sidoo kale ah hoggaamiyaha xisbiga Usawa Kwa Wote uu shaaciyay inuu ku biirayo Azimio maadaama ay wadagaan aragti siyaasadeed.