Barasaabka ismaamulka Meru Kawira Mwangaza ayaa xilka laga xayuubiyay ka dib 112 cisho oo kaliya ay xafiiska joogtay.
67 ka mid ah wakiillada golaha hoose ee Meru ayaa u codeeyay xilka qaadisteeda.
Haweeneydan guddoomiyaha ka ahayd dowlad deegaanka Meru ayaa lagu eedeeyay inay ku xadgudubtay xafiiska iyo inay adeegsatay awood aan dastuuri ahayn.
Wakiilladii soo xaadiray golaha hoose ee ismaamulka Meru ayaa dhammaantood u codeeyay in xilka laga qaado halka laba ka mid ah ay goobta mooshiinka ka maqnaayeen kuwaas oo la sheegay inay xulafo la ahaayeen Mrs. Mwangaza.