Barasaabka Meru oo sheegtay in EACC aynan la soo xiriirin

0
386

Guddoomiyaha ismaamulka Meru Kawira Mwangaza ayaa sheegtay inaynan helin warqad rasmi ah oo uga timid guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC.
Waxay sheegtay inay arrintan uga war heshay keliya warbaahinta iyo baraha bulshada.
Guddoomiyaha ayaa xustay inay diyaar u tahay in guddiga EACC ay uga jawaabto su’aallaha uu ka qabo maamulka dowlad deegaanka Meru.
Tani ayaa timid ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in madaxa fulinta ee guddiga EACC Twalib Mbarak uu barasaabka Meru uga digay qof jecleysiga iyo eexashada dhanka shaqaaleysiinta ah.
Waxaa lagu dhaliilay in ay howlgelisay ninkeeda iyo labo gabdhood oo ay wada dhasheen.