Guddoomiyaha ismaamulka Meru Kawira Mwangaza ayaa iska fogeysay eedeymo ay u jeediyeen wakiillada golaha hoose ee dowlad deegaankaasi oo xil ka qaadis ku sameeyay.
Aqalka sare ee dalka ayaa maanta billaabay inuu dhageysto doodaha labada dhinac.
Mwangaza oo uu qareenkeeda matalaya ayaa beenisay in ay ku kacday habdhaqan xumo wayn, in ay ku xadgudubtay dastuurka sidoo kalena ay awoodeeda hoggaamineed ku tagriifashay.
Waxyaabaha ay wakiillada ku eedeynayaan waxaa ka mid ah in ay si sharci darro ah uga laabatay magacaabidii madaxii fulinta ee guddiga adeegga dadweynaha ee ismaamulka Meru Virginia Kawira Miriti.
Sidoo kale waxay ku eedeysan tahay in ay ku guul darreysatay magacaabidda guddoomiyaasha guddiyada dakhliga ee Meru, iskaashiga maaliyadeed, adeegga dhallinyarada iyo guddiga maalgashiga iyo horumarka.
Kawira ayaa ku eedeysan in ay shacabka marin habaabisay ka dib markii ay sheegtay in 86,000,000 oo shilin la uruuriyay ka dib dilkii Daniel Muthiani oo loo yaqaanay Sniper in kastoo lacagta la uruuriyay ay ahayd 286 milyan.
Barasaabka Meru ayaa lagu eedeyay in ay si aan habboonayn ay lacago gunnooyin ah u siisay 161 dhakhaatiir ah.
Sidoo kale waxay ku eedeysan tahay in ay xafiiskeeda ka howlgalaan ugu yaraan 111 qof .
Waxaa uu qorshuhu yahay in guddoomiyaha ay berri si faahfaahsan iskaga difaacdo eedeymaha ay gaashaanka u daruurtay ee ka dhanka ah.