Barasaabka Meru oo doonaysa in aqalka sare uu heshiisiiyo iyada iyo wakiillada

0
244

Barasaabka ismaamulka Meru,Kawira Mwangaza ayaa doonaysa in aqalka sare ee dalka uu soo farageliyo isqabqabsiga siyaasadeed ee ka dhexeya iyada iyo wakiillada golaha hoose ee Meru.
Arrinkan ayay Kawira shaaca uga qaadday warqad ay u qortay guddoomiyaha aqalka sare Amason Kingi.
Waxay sheegtay in maadaama lagu soo doortay si madax bannaan aynan golaha hoose ee Meru ku lahayn wakiil garab ku siiya fulinta qorshayaasha horumarineed.
Waxay sheegtay inay socdaan kulamo la doonayo in markii labaad xilka looga xayuubiyo.