Barasaabka Meru oo dacwad laga gudbiyay

0
318

Mid ka mid ah shacabka ismaamulka Meru ayaa golaha hoose ee dowlad deegaankaasi u gudbiyay dacwad uu ku doonayo in xilka looga qaado guddoomiyaha Meru Faith Kawira Mwangaza.
Waxaa uu ku eedeynayaa inay ku takriifashay awoodeeda dhanka maamulka ka dib markii shakhsiyaad uu ninkeeda ka mid yahay ay xilal u magacawday.
Thuranira Salesio Mutuma oo dacwadda gudbiyay ayaa u ololeeya arrimaha xuquuqul aadanaha.
Mutuma ayaa go’aanka uu qaatay u aaneeyay ilaa 11 qodob oo uu rumeysan yahay in loo cuskan karo xil ka qaadista Kawira.
Hoggaanka golaha hoose ee Meru oo dacwaddan qabtay ayaa sheegay inuu eegi doono qodobbada lagu saleeyay si loo guda galo geeddisocodka xiga.