Isagoo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay munaasabadda 16-aad ee maalinta Mashujaa Day ee garoonka Marsabit, ayuu Guddoomiye Maxamuud Maxamed Cali ugu baaqay dhallinyarada, maalgashadayaasha gaarka ah, iyo culumaa’udiinka inay u midoobaan sidii loo gaari lahaa Marsabit oo nabad iyo barwaaqo ah oo ku qotonta tamar dib loo cusboonaysiin karo, hoggaan xilkasnimo leh, iyo wada noolaansho bulsho.
Isagoo la hadlayay boqollaal qof oo isugu soo baxay si ay u xusaan maalinta halyeeyada qaranka, barasaabka ayaa iftiimiyay tamarta cagaaran inay tahay halbowle dhaqaale iyo mas’uuliyadda damiireed ee dowlad deegaanka.
Waxaa uu so jeediyay ajandaha tamarta ee ka kooban afar dhibcood oo kala ah awood siinta adeegyada muhiimka ah sida dugsiyada iyo rugaha caafimaadka, awood siinta ganacsiyada maxalliga ah, ilaalinta deegaanka iyo samaynta iskaashi lala yeesho maalgashadayaasha iyo hay’adaha horumarinta.
Guddoomiyaha ayaa waxaa uu carrabka ku adkeeyay in tamarta nadiifka ah ay tahay inay bixiso faa’iidooyin dhab ah oo abuuraya fursado dakhli abuur ah, yaraynta khasaaraha goosashada ka dib, iyo hubinta adeegyada saacadaha oo dhan ee meelaha fog fog.
Isaga oo u soo jeestay dhanka dhallinyarada, gaar ahaan Gen Z, guddoomiye Maxamuud ayaa waxaa uu u jeediyay codsi qiiro leh oo ku aaddan in ay awoodooda u adeegsadaan hal abuurnimo iyo ka-qaybgal bulsho halkii ay ka ahaan lahaayeen wax is daba marin ama niyad jab siyaasadeed.
Barasaabka ayaa waxaa uu ugu baaqay maalgashadayaasha gaarka ah iyo la howlgalayaasha horumarinta inay maalgashadaan tamarta nadiifka ah, beeraha casriga ah iyo kaabayaasha dhijitaalka ah ee ismaamulka oo dhan, isaga u hubiyay taageerada buuxda ee dowladdiisa ee mashaariicda ixtiraamaya kala duwanaanshaha, abuurista shaqooyinka maxalliga ah, iyo ilaalinta deegaanka.
Guddoomiye Cali ayaa ku bogaadiyay hoggaamiyeyaasha diinta iyo odayaasha dhaqanka sida ay u joogteeyeen nabadda Marsabit ee sida adag loo hantay, oo hadda sannadkii afraad ku jirta, isagoo ku boorriyay inay sii wadaan horumarinta jacaylka, is hoosaysiinta, iyo caddaaladda gobolka.
Guddoomiyaha oo soo xiray khudbadiisa, ayaa u dabbaaldegay nabadda Marsabit ee waarta oo ah guul wadajir ah oo lagu gaaray dadaallada hagar la’aanta ah ee ay sameeyeen odayaasha, dhallinyarada, haweenka, hay’adaha amniga, iyo hoggaamiyeyaasha kuwaas oo wadahadal ka doortay kala qeybsanaan.
Home Wararka Kenya Barasaabka Marsabit oo baaq u jeediyay dhallinyarada, maalgashadayaasha iyo hoggaamiyayaasha diinta