Barasaabka Mandera oo ka tacsiyeeyay geerida xildhibaankii Banisa

0
322

Guddoomiyaha ismaamulka Mandera Maxamad Aadan Khaliif ayaa qoraal uu soo saaray uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee xildhibaankii deegaan baarlamaneedka Banisa ee dowlad deegaankaasi Kuulow Macallin Xasan.
Barasaabka ayaa sheegay in mudanaha uu aroornimadii hore ee saaka uu ku geeriyooday isbitaalka Aga Khan Hospital ee magaalada Nairobi.
Waxaa uu ku tilmaamay shakhsi Alle ka cabsi badnaa oo ahaa hoggaamiye ay ka go’an tahay wax u qabashada dadkiisa.
Guddoomiyaha Mandera ayaa xusay in mudanaha geeriyooday uu shacabka Banisa iyo si guud dowlad deegaankaasi u qabtay intii uu awooday.
Sidoo kale Maxamad Aadan Khaliif ayaa Kuulow Macallin Xasan ku tilmaamay qof nabadda jeclaa oo u ololeyn jiray in bulshada ay si nabad ah ku wada noolaato.
Waxaa uu qoraalkiisa ku sheegay in shacabka Mandera ay tabi doonaan mudanaha isagoo Alle uga baryey inuu ku abaal mariyo jannatul firdows.

Warbaahinta dalka ayaa ku warramaysa in xildhibaanka uu u geeriyooday dhaawac maalmo ka hor ka soo gaaray dhanka madaxa ka dib markii ay mooto ku dhacday xilli uu marayay agagaarka waddada Mombasa Road.
Waxaa sidoo kale geerida mudanaha Banisa ka tacsiyadeeyay wasiirka gaashaandhigga ee dalka Aadan Barre Ducaale , xildhibaanka deegaanka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer Aadan Keynaan Weheliye, xildhibaanka galbeedka Mandera Aadan Xaaji Yuusuf, barasaab ku xigeenka Mandera Dr.Cali Macallin,senatarkii hore ee ismaamulka Mandera Billow Kerrow, mudanaha galbeedka Kibwezi Mwengi Mutuse iyo mas’uuliyiin kale.

Mudanaha geeriyooday ayaa shacabka Banisa baarlamaanka ku matalayey tan iyo sanadkii 2017-kii waxaa uu sidoo kale xubin ka ahaa guddiga baarlamaanka ee arrimaha gaadiidka , howlaha guud iyo guriyeynta.
Waxaa uu qorshuhu yahay in meydka marxuumka galabta lagu aaso xabaalaha Langata ee magaalada Nairobi.