Barasaabka Kwale oo raalligelin ka dalbatay Raila

0
189

Barasaabka ismaamulka Kwale ee gobolka Xeebta Fatuma Achani ayaa madaxa xisbiga ODM , Raila Odinga u qabatay muddo toddobaad ah oo uu ku raalligelinaya.
Waxay sheegtay in marka ay muddadan dhamaato inay Raila ka qaadi doonto tallaabo sharci ah.
Waxay ku doodaysa in Raila uu ku eedeyay inuu iyada xiriir kala dhexeeyo wasiirka macdanta iyo kheyraadka badda Salim Mvurya.
Agaasimaha isgaarsiinta sidoo kalena ah afhayeenka dowladda hoose ee Kwale Nicky Gitonga ayaa sheegay in barasaabka loo gafay sidaasi awgeedna ay dalbanaysa in la raalligeliyo.