William Ruto oo looga digay in hadallo aflagaado ah uu ka jeediyo socodaalkiisa gobolka bari ee Kenya

0
347

Guddoomiyaha ismaamulka Kitui Charity Ngilu ayaa uga digtay ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto inuu hadallo aflagaado ah ka jeediyo gobolka bari ee Ukambani inta uu ku guda jiro socdaalka uu halkaasi maanta ku marayo.
Mrs. Ngilu ayaa soo hadal soo qaadday hadal uu maalinkii Khamiista uu William Ruto ka jeediyay isu soo bax siyaasadeed oo uu ku qabtay deegaanka Kagundo ee ismaamulka Machakos.
Dr. Ruto ayaa ka dhawaajiyay in hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka uu madaxiisa timaha ka daateen intii uu garab taagnaa madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ee doorashooyinkii guud ee sanadihii 2013 iyo 2017-kii.
Barasaabka ismaamulka Kitui Charity Ngilu ayaa ka codsatay madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto inuu ka fogaado hadallada aflagaadada ah, islamarkaana uu xushmeeyo madaxda ay siyaasadda isku hayaan.
Mrs. Ngilu ayaa carrabka ku adkaysay in madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka aan marnaba lala simi karin William Ruto marka ay timaado hoggaanka ugu sarreeya ee dalka.
Waxaa ay ku andacootay in hoggaamiyaha xisbiga UDA uu leeyahay taariikh xun marka ay timaado isla xisaabtanka.
Waxaa ay intaa ku dartay in madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Kalonzo Musyoka uu yahay daacad, la isku halayn karo, laguna aamni karo jagada ugu sarreyso ee wadanka.
Mrs. Ngilu ayaa xustay in marka lais barbar dhigo Ruto iyo Kalonzo ay kala yihiin habeen iyo maalin.