Barasaabka Kitui oo lagu amray inay maxkamadda tagto

0
411

Guddoomiyaha ismaamulka Kitui Charity Ngilu ayaa laga dalbaday inay ka soo hormuuqato maxkamadda shaqaalaha iyo shaqaaleysiinta.
Waxaa laga doonaya inay caddeyso sababta aynan ugu hoggaansamin amar maxkamadeed oo dhigayay inay dhakhaatiirta dowlad deegaankaasi siiso musharaad ka maqan.
Amarka loogu yeeray Ngilu ayaa waxaa soo saartay garsoore Monica Mbaru waxayna maxkamadda hor tagi doontaa 14-ka bishan Tobnaad.
Waxaa Charity Ngilu wehelin doono xoghayaha guddiga adeegga dadweynaha , wasiirka caafimaadka iyo sarkaalka ugu sarreeya ee wasaaradda caafimaadka Kitui.
Wararka ayaa intaa ku daraya in howlwadeenada caafimaadka ee ismaamulka Kitui aan la siin mushaar iyo lacagaha kale ee ay xaq u leeyihiin tan iyo bishii toddobaad ee sanadkan.