Guddoomiyaha ismaamulka Kisumu Prof.Anyang Nyongo ayaa shirkadda Bidco ku boorriyay in ay xiriirka ganacsi u jarto Israa’iil.
Bayaan uu soo saaray ayuu ku sheegay in Israa’iil ay wajahaysa dhaliil caalami ah maadaama ay Qaza ku dishay in ka badan 29,000 oo qof.
Nyong’o ayaa aaminsan in Bidco ay iskaga baxdo iskaashi ganacsi oo kala dhexeeya Israa’iil .
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii ay kulmeen guddoomiyaha guud ee shirkaddan , Mr Vimal Shah iyo hoggaanka arrimaha dhaqaale iyo ganacsiga ee Israa’iil .