Barasaabka Kisumu oo qalliin loogu sameeyay isbitaal ku yaalla dowlad deegaankiisa

0
311

Guddoomiyaha ismaamulka Kisumu ,Prof .Peter Anyang’ Nyong’o ayaa shaaciyay in toddobaadkii hore qalliin dhanka laf dhabarka ah loogu sameeyay isbitaalka wayn ee Jaramogi Oginga Odinga oo ku yaalla dowlad deegaankaasi.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu tallaabadan qaaday si uu u muujiyo in lagu kalsoonaan karo tayada adeegyada caafimaadka ee isbitaallada maxalliga ah.
Barasaabka ayaa sheegay in xubnaha qoyskiisa ay damacsanayeen in qalliinka loogu sameeyo magaalada Nairobi balse uu isaga door biday xarunta caafimaadka ee JOOTRH ee ismaamulka Kisumu.