Barasaabka Kisii oo ku xigeen soo xushay

0
150

Guddoomiyaha ismaamulka Kisii Simba Arati ayaa ku xigeenkiisa u magacaabay Elijah Obebo.
Mr. Obebo ayaa ahaa guddoomiyaha guddiga adeegga dadweynaha ee Kisii.
Waxaa arrinkan maanta shaaca ka qaaday guddoomiyaha golaha hoose ee ismaamulka Kisii Philip Nyanumba xilli ay wakiillada kal-fadhi lahaayeen.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii aqalka sare ee dalka uu ayiday xil ka qaadistii ay 29-kii bishii labaad ee sanadkan ay wakiillada Kisii ku sameeyeen barasaab ku xigeenkii dowlad deegaankaasi Dr. Robert Monda oo lagu eedeeyay laaluush qaadasho , ku xadgudubka dastuurka iyo inuu awoodiisa xafiiseed ku tagriifalay.