Barasaabka Kilifi oo isku shaandheyn sameeyay

0
272

Guddoomiyaha ismaamulka Kilifi , Gideon Mung’aro ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirrada.
Barasaabka ayaa wasiirkii dalxiiska , ganacsiga iyo horumarinta iskaashatooyinka Raymond Ngala u wareejiyay dhanka maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha.
Yaye Shoshi Axmed oo laga qaaday wasaaradda maaliyadda ayaa la geeyay waaxda adeegga dadweynaha.
Clara Chonga ayaa laga wareejiyay wasaaradda tacliinta waxaana loo gudbiyay dhanka dalxiiska.
Kaingu Ndena oo laga qaaday dhanka adeegga dadweynaha ayaa qaabilsanaan doono horumarinta tacliinta aasaasiga iyo ICT-da.
Barasaabka Kilifi ayaa sidoo kale xilalka u kala beddelay saddex ka mid ah saraakiisha sar sare ee wasaaradaha ismaamulkaasi.
Sidoo kale waxaa uu ka digay dib u dhaca ku yimaada fulinta mashaariicda horumarineed.