Guddoomiyaha ismaamulka Kakamega Fernandes Barasa ayaa digniin adag u diray saraakiisha caafimaadka ee daawooyinka loogu tala galay isbitaallada dowladda u weeciya xarumaha caafimaadka ee gaarka ah si shacabka halkaasi looga iibiyo.
Waxaa uu Barasa sheegay in maamulkiisa uu qaaday tallaabooyin daawooyin lagu gaarsiinaya isbitaallada sidaasi awgeedna cidii isku dayda inay meel kale u wareejiso laga qaadi doono tallaabo sharciyeed.
Arrintan ayuu shaaca ka qaaday xilli uu daahfuray barnaamij agab caafimaad iyo daawooyin qiimo ahaan dhan 240 milyan oo shilin loogu qaybinaya isbitaallada 12 deegaan.