Barasaabka ismaamulka Kakamega Fernandes Barasa ayaa xaqiijiyay saddex kiis oo caabuqa Mpox ah oo laga helay degmada Chekalini ee deegaanka Lugari.
Dadka cudurkan uu soo ritay ayaa waxaa ka mid ah darawal baabuur oo 52 jir ah, xaaskiisa, iyo haweeney dhawaan ka soo safray magaalada Nairobi.
Guddoomiye Barasa ayaa sheegay in seddexdoodaba hadda lagu daweynayo si gooni ahaaneed xarun cusub oo laga dhisay degmada Chekalini.
Waxaa uu intaas ku daray in lix xubnood oo qoyska ka tirsan oo ka mid ah bukaannada uu soo ritay cudurka la dhigay 21 maalmood oo karantiil guri ku saleysan.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in gobolka uu xoojiyey waxbarashada caafimaadka bulshada isla markaana loo diray saraakiil si ay bulshada u wacyi galiyaan iyo isgaarsiinta khatarta ah.
Mr. Barasa ayaa ku booriyay dadka deegaanka in ay feejignaadaan oo ay ku soo wargeliyaan xaalad kasta oo looga shakiyo goobaha caafimaadka ee ugu dhow.
Home Wararka Kenya Barasaabka Kakamega Fernandes Barasa oo xaqiijiyay saddex kiis oo caabuqa Mpox ah




